Wednesday, April 22, 2026
29.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Madaxtooyada Somaliya oo qirtay in xeerka Saxaafadda wali ay ku jiraan mad-madow & Puntland oo ka…

Muqdisho (Halqaran.com) – Xeerka saxaafadda Soomaaliya oo wax ka-baddel lagu sameeyay ayaa Arbacadii maanta la dhaqan galiyay, iyadoo wali ka taagan dood ku aaddan qaar ka mid ah qodobbada iyo tabasho uu ka qabo mid ka mid ah maamul goboleedyada dalka.

Sharcigan oo ka kooban 41 qodob ayey soo ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, kaddibna waxaa qalinka ku duugay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Villa Soomaaliya, Cabdinuur Maxamad Axmed, oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa qiray in ay xeerka saxaafadda wali ku jiraan mad-madow iyo qodobbo aysan ku qanacsaneyn warbaahinta.

Laakiin wuxuu ku dooday Agaasimaha in waqtigan aad loogu baahan yahay in la isticmaalo sharcigaas, sidaas awgeedna loo dhaqan galiyay.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada:

 

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Cabdillaahi Cali Xirsi (Timacade) /Sawir hore/ 

Dhanka kale, waxaa guud ahaanba xeerkan kasoo horjeeda dowlad goboleedka Puntland oo shaaciyay in uusan ku dhaqmi doonin xeerkaasi cusub.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi (Timacadde) oo isna la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegaya, in aan Puntland Khuseynin xeerka Saxaafadda ee laga hirgeliyay magaalada Muqdisho.

“Xeerkaas waxba kama ogin, waxna kalama soconno, Annagu Puntland ahaan waxaan leenahay xeerka warbaahinta Puntland oo mar hore la ansixiyay. guddi ka kooban dhinacyada kala duwan ayaa maanta shir aan guddoomiyay ku doortay guddoomiye iyo xogheyn, marka anigu ma ogi taa kale ee Xamar laga sameeyay. ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Cabdillaahi Timacade.

Halka hoose ka dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta ee Puntland :

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...