Monday, June 1, 2026
26.8 C
Mogadishu

DF Somaliya oo ka qeyb gashay Shir looga hadlayay arrimaha Fatahaadaha

Muqdisho (Halqaran.com) – Shir looga hadlayey ahmiyadda hortabinta beeraha oo ay ka soo qeybgaleen Agaasimayaasha Beeraha Wadamada Bariga Afrika oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda cunada iyo Beeraha Adduunka ee FAO xarun goboleedkeeda Bariga Afrika ayaa ka qabsoomay aaladda fogaan aragga ee zoom-ka.

Shirkan waxaa Soomaaliya uga qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Nuur Yuusuf Nuur.

Qodobada shirka fogaan aragga looga hadlay waxaa ka mid ah:

  1. Sameynta suuqa dalageed oo uu yeesho Bariga Afrika
  2. Saameynta Isbadalada Cimilada ee Beeraha
  3. Keydinta iyo Sameynta barta xogaha
  4. Sameynta ilaha kheyraadka Beeraleyda
  5. Sameynta qaabka dhiiri galinta maalgashiga beeraha
  6. Dhaqaajinta fikradaha ama hal-abuurada qalabka casriga ee beeraha

Kulanka ayaa waxaa la isla gartay dhamaan qodobada kor ku xusan iyo xoojinta iskaashiga wadamada bariga Afrika dhanka beeraha sidi looga hortagi lahaa si wada jira qataraha ku imaan kara beeraha oo ay keenayaan cayayaanada hayaama sida Ayaxa iyo Shimbiraha qaar,

Ugu dambeyn, Kulankan ayaa sidoo kale la isku weydaarsaday waaya aragninada dhanka sida looga hortagi lahaa fatahaadaha, dhisidda kaabayaasha beeraha iyo aqoonyahanada, iyadoo uu kulankan shir guddoominayay Agaasimaha Bariga Afrika ee Hay’adda FAO Mr. David Phiri.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...