Saturday, June 20, 2026
25.5 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ciidanka xoogga dalka kala hadlay dagaalka Al-Shabaab

Bakool (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulan looga hadlayay dagaalka Al-Shabaab ee gobalka Bakool la qaatey saraakiisha  guutada sagaalad ee taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta 60-aad iyo saraakiil kale.

Taliyaha guutada sagaalad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Muqtaar Maxmed Cabdulahi (Geesey) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegey in kulanka ay madaxweynaha la qaateen uu ahaa mid is-xog wareysi ah.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegey in madaxweyne Laftagareen ay isla soo qaadeen sidii loo soo dhammeystiri lahaa qorshayaasha horumarineed ee loogu talogalay dadka ku dhaqan deegaannada laga xoreeyay Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha guutada sagaalaad ee ciidanka xoogga dalka ayaa ugu dambeyn, u mahadceliyay, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Bakool, isagoo xusay inay yihiin shacab dulqaad badan, misana ciidamada kala shaqeeya sidii guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo waarta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...