Saturday, April 18, 2026
28.7 C
Mogadishu

AKHRISO: Madasha Xisbiyada Qaran ee Somaliya oo sheegay in ‘Itoobiya’ ay ku xad-gudubtay madax-banaanida dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada qaran ee dalka ayaa war ay soo saareen waxay ku taageereen codsigii 13-dii-May ee sanadkaan ee Golaha ammaanka ee Qaramada midoobe kaas oo ku saabsanaa in ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn howl-galka midowga Afrika ee Soomaaliya laga saaro waddanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa lagu yiri “ Madashu waxay aad ugu mahad-celineysaa in la caddeeyay tirade rasmiga ah ee Ciidamada howl-galka midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo gaaraya 19,226 askari”. 

Ciidamada AMISOM ayaa sharciyad u haaysta in ay Soomaaliya ka howl-galaan illaa laga gaaro 28-ka February ee sanadka soo socda. 

Sidoo kale, madasha xisbiyada Qaran ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay u muuqato in lagu xad-gudbay madax-bannaanida dalka, qaranimada iyo cuna-qabateyntii Soomaaliya la saaray sanadkii 1992-dii. 

War qoraalkan oo luuqadda Ingiriiska ah ku qornaa oona ahaa mid ku socday beesha caalamka ayaa waxaa lagu xusay in il-gaar ah lagu hayo faragelin la sheegay in Itoobiya ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka  oo English ku qoran;

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...