Saturday, April 18, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed oo ka hadlay dhibaatadii ka dhalatay fatahaadihii Baardheere iyo Qardho

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sheegay in uu aad uga xun yahay  dhibaatada ka dhalatay fatahaadka uu sameeyey Roobabkii Gu‘ga ahaa ee ka Da‘ay Degmada Baardheere iyo Degaanadda hoosyimaada kaasi oo Barakaciyey in ka Badan 500 oo Qoys oo Biyuhu saameeyeen.

Laftagareen ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda ay Socoto.

Ma jirto ilaa iyo hadda Dhimasho ka dhalatay Fatahaadka Biyaha Degmada Baardheere, walow ay jiraan saamayn hanti ay geysteen biyaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...