Saturday, April 18, 2026
28 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan khasaaraha ka dhashay bam-gacmeed lagu weeraray ciidamo ku sugnaa…

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya, bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ku sugnaa Isgoyska Black Sea ee Degmada Hawlwadaag,

Bam gacmeedkan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Shan ruux.

Ciidanka Bam Gacmeedka lagu weeraray ayaa waxa ay yihiin Ciidamo taraafiko ah oo Isgoyskaasi ka hawlgala, waxaana Khasaare uu soo gaaray dad shacab ah oo halkaasi ku sugnaa.

Ugu yaraan Saddex ruux oo shacab ah ayaa dhaawac uu soo gaaray oo laba ka mid yihiin xaalkooda kuwa liitay sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Sidoo kale, laba Askari ayaa iyagana dhaawac soo gaaray, waxaaba halkaasi markii dambe gaaray Ciidamada Booliska oo goobta ka qaaday dadkii dhaawacyada uu soo gaaray.

Shaqsigii ka dambeeyay Bam gacmeedkaasi lagu weeraray Ciidamada ayaa durba halkaasi ka baxsaday, iyadoo Maalin cad ay tahay.

Si kastaba amniyaadka Al-Shabaab ayaa dilal qorsheysan iyo Qaraxyo waxa ay la beegsadaan Ciidamada dowladda iyo cid kasta oo gacan saar la leh Ciidanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...