Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

UPDATE: Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay 54 ruux oo kiisas cusub Coronavirus & tirada oo gaartay 582 qof

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 54 xaalado cusub oo COVID-19 ah oo 40 kamid ah ay rag yihiin 14-na ay haween yihiin. Dhammaan bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir. Hal bukaan ayaa ka bogsooday xanuunka.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey gaartay 582, waxaana ka bogsooday labaatan Ruux. 28 ruux ayaa u geeriyootay cudurka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta faafitaanka Feyryska Karoona

Dowladda ayaa sameysay qorshe guud oo lagu xakameynayo faafitaanka iyo saameynta kale ee COVID-19. Waxaa la hir geliyay Isbitaallo lagula tacaalo bukaannada uu haleelo Feyruska Karoona, waxaana dalka soo gaaray qalab caafimaad oo dowladdu soo iibsatay.

Taageero isugu jirta qalab caafimaad iyo dawo qayb ka ah awood siinta dowlad gobaleedyada ayaa dowladdu gaarsiisay qaar kamid ah Dowlad gobaleedyada iyada oo sidoo kale taageero taa lamid ah la gaarsiinayo dowlad gobaleedyada kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...