
Kismaayo (Halqaran.com) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Xubnihii Isbeddel-doonka Jubbaland ayaa maanta ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.
Xidig ayaa sheegay in dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ay yihiin laba aan kala maarmin, isla markaana dowladda Federaalka looga baahan yahay inay la timaado tanaasul.
Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa ku baaqay in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland, isla markaana la fiiriyo danta Shacabka ku nool deegaannada Jubbaland.
Ugu dambeyn, Xildhibaan Xidig hadalkiisa ayaa ku soo aadayo xilli isla maanta Madaxweynaha Jubbaland (Axmed Madoobe) uu sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





