Buurhakaba (HalQaran.com) – Madaxweynaha koofur Galbeed Cabdacasiis Maxamed (Laftagareen), ayaa degmada Buurhakaba u tagay u diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka lagula jira argagixisada Al-Shabaab.
Laftagareen, ayaa inta joogo waxa uu kula kulmi doonaa degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay bulshada iyo Saraakiisha iyo Ciidanka ku sugan degmadaas, si uu ugu sheego inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada wajiga labaad howgalka deegaannada Goofur Galbeed looga saarayo Al-Shabab.
Madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa maalmihii la soo dhaafay waday daddaalo uu ugu kuur galaayay siday isku diyaariyeen, Bulshada koonfur galbeed howlgalka wajigiisa labaad ee ka billaabanaya Koofur Galbeed, howlgalkaas uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





