Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Shirka Madasha Q.M oo ay Soomaaliya ka qeyb-gashay oo lagu soo gabagabeeyay Kenya

Nairobi (HalQaran.com) – Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Xukuumadda XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi balaaran uu hogaaminayay, isla markaa uu wehliyo Danjiraha Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalmahaan ka qeyb-galayay Shirka UN HABITAT ee ka soconayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ay ka qeyb-galeen xiritaanka Kala-fadhiga labaad ee Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UN Habitat).

Shirkaan oo socday muddo 5 maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saaray ama looga hadlay Mustaqbalka magaaloyinka ee waara, iyada oo loo marayo is-dhexgal dhinacyo badan leh iyo gaaritaanka yoolalka horumarineed ee Joogtada ah ee waqtiyada xasaradaha caalamiga ah.

Sidoo kale, shirkaan ayaa waxaa la qabtaa Afartii sanaba mar si looga wada hadlo xaaladaha magaalooyinka adduunka iyo deegaanada lagu noolyahay.

Inta uu shirkaas socaday ayaa madaxda Soomaaliyeed waxa ay kulamo doceedyo la yeesheen wafdiyo kagala socday Dowladaha kala ah:- Gariiga, Biljamka ,Itoobiya, Masar iyo wakiilka UN HABITAT u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kulamadaas ayaa ahaa kuwo diirada lagu saaray xariirka Dalka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamaas iyo in xooga la saaro wada-shaqeynta iyo dib u dhiska wadanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...