Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Israel: Kumanaan Kun oo ka dibad-baxay isbaddelka garsoorka iyo xusuuqa lagu hayo Falastiin

Tel Aviv (HalQaran.com) – Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Israa’iil, kuwaas oo ka mudaaharaadaya qorshayaasha muranka dhaliyay ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ay ku dooneyso in ay wax kaga beddesho hay’adaha garsoorka iyo sidoo kale rabshadaha lagu hoobtay oo lagu hayo bulshada reer Falastiin ee ku dhaqan dalkaas.

Dibadbaxyadaan oo socda todobaadkii 23-aad  waxaa ka qeyb galay ilaa 200,000 oo qof  ,iyagoo  billowday bishii Janaayo wax yar ka dib markii xukuumadda midigta fog ee Netanyahu la dhaariyay.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aysan ka quusan doonin ilaa ay dowladdu baabi’iso isbeddellada sharci ee la soo jeediyay halkii ay dib u dhigi lahayd.

Michal Gat oo 47-jir ah,isla markaana ka socda ururada shaqaalaha oo ka hadlay bartamaha Magaalada Tel Aviv ayaa yiri: “Dalkayaga waxaa qabsaday dad aad u daran, waa nala haystaa aad ayeyna muhiim u tahay in dadka Israa’iil ay ku dhagaan dimuqraadiyadd”.

Si kastaba, qaar ka mid ah dadka mudaaharaadka ayaa sidoo kale watey boorar ay ku dhaleeceynayaan waxqabad la’aanta dowladda ee ku aaddan mowjadaha dambiyada ee sii kordhaya ee saameeyay muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...