Sunday, January 18, 2026
25 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed ‘Laftagareen’ oo dib ugu noqday Baydhabo & Doorasho ka billaabaneysa…

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Talaadadii maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa maalmahaan Muqdisho ka waday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxda Dowladda, Midowga Musharraxiinta iyo Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo isku khilafsan arrimaha doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doono Maamulka ugu horreeya ee bilaaba doorashada Xubnaha Aqalka sare ee deeganada Maamulkaasi.

Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Laftagareen uu qaatay doorka dhex-dhexaadinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada ee isku haya arrimaha doorashooyinka.

Caqabadda ugu horeysa ee heysta doorashada Soomaaliya ayaa ah arrinta Gobolka Gedo iyo in laga heshiiyo Guddiga doorashooyinka ee Xukuumadda ay magacowday.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...