Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ay ku soo dhaweeyeen wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ka qeybgali doonaa shirka wada tashiga qaran kaas oo uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka furmaya Muqdisho.
Horey waxaa Muqdisho u soo gaaray madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo uu ka sii horeeyay madaxweynaha Galmudug, waxaana la filayaa in ay yimaadaan Muqdisho labada madaxweyne ee kala ah Hirshabeelle iyo Puntland.
Madaxdan ayaana ka qeyb galaya shirka wada tashiga qaran ee uu dhawaan uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyadoona ilaa hada uusan furmin shirka inkastoo uu ku yimid dib u dhac kaas oo markii hore qorshaha ahaa inuu saaka ka furmo xerada xalane.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





