Wednesday, April 22, 2026
28.3 C
Mogadishu

Taliska Booliska Soomaaliya oo sheegay iney baaris ku hayaan gabar ay shalay xabad ku fakatay

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan kiiska marxuumad Rumaan Cabduqaadir Maxamuud oo ahayd 14 jir, taasi oo shalay u geeriyootay rasaas bastooladeed.

Ehelada marxuumadda ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay gabadhooda, balse lagu fakiyay, waxaana saraakiisha Hoggaanka Baarista Dembiyada ay xuseen inay baarayaan arrinta iyo sida ay u dhacday, isla markaana natiijada ka soo baxda baarista kiiska ay la wadaagi doonaan shacabka iyo ehelkeeda.

Falkaan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, waxaana durba meydka marxuumad Rumaan Cabduqaadir la geeyay xarunta CID-da.

Arrintaan ayaa meesha ka saareysa warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegay inay isku fakisay marxuumaddu bastoolad, iyadoo iska duubeysa muuqaal.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...