Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

Rooble oo rajo ka muujiyay qabsoomidda Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in uu furmo

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha  xukuumadda xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa rajo ka muujiyay qabsoomidda shirka u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

“Waxaa iga go’an fududeynta wax kasta oo horseedi kara in shirkan uu guuleysto” ayuu ku yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in shirkan uu ku dhammaado guul, si loo aado doorasho daah furan oo heshiis lagu yahay’.

Diyaar garowga Shirka Wadatashiga Qaran oo ka socota magaalada Muqdisho ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday shacabka iyo siyaasiyiinta inay taageeraan taladiisa ku aadan xal u helista is-mariwaaga doorashada Soomaaliya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...