Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Guddoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin oo Jimcihii shalay u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Kismaayo.
Labada Madaxweyne ku-xigeen, Guddoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.
Madaxweyne Axmed Madoobe oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa Al-Shabaab, isagoona sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.
Axmed Madoobe ayaa intaasi raaciyay in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Al-Shabaab, wuxuuna tusaale u soo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo ka hor uu isku qarxiyay naftii halige.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland, ayaa shacabka reer Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab si loo xaqiiiyo himilada Shacabka Soomaaliyeed ee ah inay Nabad iyo xasilooni ku noolaadan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







