Garoowe (Halqaran.com) – Laamaha amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland, sida sheegeen ilo ka tirsan laamaha amniga Puntland.
Lamaanaha Ammaanka Puntland ayaa laga soo xigtay in xubnaha gudbay ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.
Somaliland ayaa todobaadkii la soo dhaafay adkeysay Ammaanka Magaalooyinka waa weyn.
Dadka ku nool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan waddooyin ay xireen.
Waxaa adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-Shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland.
Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.
Wararka kale ee Maanta oo Xiiso Leh 
Madaxweynaha Jubbaland oo ka qeybgalay aaska marxuum Shaafi Raabi +(SAWIRRO)
Axmed Madoobe oo amray laamaha Amniga baaritaan deg-deg ah qaraxii Kismaayo
XOG: Maxaa ka jira in M/weyne Farmaajo iyo Qoorqoor ay ciyaarayaan qorshe cusub?
Update: Al-Shabaab oo Khasaaro dhimasho & dhaawac ka soo gaaray qarax ay ku aasayeen…
Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray Madaxda Koonfur Galbeed & Puntland?
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





