Tuesday, May 26, 2026
26.5 C
Mogadishu

Dhageyso: Gabar Ardayed aheyd oo dabaq laga soo tuuray, kaddib markii ay kufsadeen rag badan

Muqdisho (Halqaran.com) – Dhacdo argagax leh ayaa shalay ka dhacday degmada Waabari ee gobolka Banaadir, kaddib markii gabar dhallinyaro ah loo geystay fal kufsi ah, kadibna laga soo tuuray dabaq dheer.

Marxuumadda oo lagu magacaabo Xamdi Mohamed Faarax ayaa inta la kufsaday, kaddibna la dilay. Gabadhan waxaa da’deeda lagu sheegay 19 sano jir, waxaana balamiyay wiil ay sheekeysan jireen oo guriga ku yaallo Degmada Waaberi ku balamiyay.

Sida la sheegay, marxuumadda ayaa wiilkan ugu tagtay xaafadda Maajo ee degmada Waaberi, waxaana halkaasi ka dhacay falka kufsiga oo dhowr nin ay isugu mareen gabadha dhallinyarada ah, kadibna ay dabaq sare ka soo tuureen, sidaasina ay ku geeriyootay marxuumadda.

Inkastoo wali aysan laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya aysan wax faah-faahin ka bixin, haddan ehelladda gabadha oo lagu Magacaabo Xamdi Maxamed Faarax oo katirsan ardayda sanadkan ka qalin jibeyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhacdadan argagax leh.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa saaka lagu aasay Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo ay daganeyd.

Ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in ay caddaalad u helaan gabadhooda oo si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Gacal Xuseen Gacal oo ah Abtiga gabadha la kufsaday, kadibna dabaq laga soo tuuray oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sharraxaad ka bixiyay, sida ay wax u dhaceen iyo in la qabtay raggii falkaasi geystay. Halka hoose ka dhageyso Codka marxuumadda Abtigeeda.

Sidoo kale, Xamdi Tahliil waa habaryarta soo korisay marxumad Xamdi Maxamed Faaray iyadoo 10 sano jir aheyd, ayaa ka sheekeysay, nolosheedii hore iyo sida ay wax u soo baratay Xamdi, iyo marxaladihii kala duwanaa ay nolosheedii soo martay. Halka hoose ka dhageyso Codka Marxuumadda Habaryarteeda:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...