Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jubbaland oo guul taariikhi ah ku tilmaamay ansixintii heshiiska Doorashada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay Ansixinta heshiiska Doorashooyinka ee labada Aqal ee Baarlamaanka ay Sabtida maanta ah meel mariyeen.

Axmed Madoobe ayaa sheegaya, in tani dhabaha u xaarayso in lasii dardar galiyo shaqooyinka dhiman, iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimada uu dalkeennu u leeyahay qabashada Doorashooyinka heer Federaal afartii sanaba hal mar.

“Waxaan rumays nahay in ay maanta labada aqal ee Baarlamaanku gaareen go’aan Tariikhi ah oo fursad inoo siinaya in aan sii amba qaadno waxyaabaha dhiman si Doorashadu ay ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu qanacsan yahay taas oo ah arrin soo socotay sanadahii la soo dhaafay ee dib u dhiska Dowladnimadeenna” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay, in loo baahan yahay wada shaqayn buuxda iyo deddaal hagar la’aan ah oo dhammaan dhinacyadu ay u dhan yihiin si loo wajaho mustaqbalka iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Ugu damebyn, Axmed Madoobe ayaa waxa uu u mahadceliyay Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ee JF Soomaaliya go’aanka Tariikhiga ah ee ay maanta gaareen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...