Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada labada Aqal ee BF Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansaxiyay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha JF Soomaaliya Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Heshiiska ayaa waxaa oggolaatay 252 xildhibaan, waxaa diiday 2, halka uu ka aamusay 1 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha Shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansaxinta sharcigaan oo uu sheegay inuu muhiim uyahay doorasho ka dhacdo dalka.
Kulanka ayaa waxaa wadajir u shir guddoominayay guddoomiyeyaasha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Aqalka sare Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadooda.
Ugu dambeyn, qorshaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabaneysa 01-November 2020 sida ku cad qodob kamid ah heshiiskaan ay Sabtida maanta ah ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





