Cadaado (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Sabtidii maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyeen Maamulka iyo shacabka Degmada iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowlad goboleedka Galmudug.
Safarka waxaa Madaxweynaha Galmudug ku wehlinayay Wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.
Mr. Qoorqoor oo goob fagaara ah kula hadlay dadweynaha ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isagoo ku tilmaamay Cadaado inay aasaas u tahay midnimadda Galmudug.
Wuxuuna waxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka ku dhiirageliyay iney ka qeybqaataan dib u heshiisiinta bulshada, isagoo reer Cadaado ugu baaqay inay hormuud u noqdaan Nabadda iyo wada noolaashiyaha sidii looga bartay.
Safarka Madaxweynaha Galmudug ayaa ku qotoma adkeynta amniga iyo arrimaha dib u heshiisiinta.
Ugu damebyn, inta uu magaalada Cadaado ku sugan yahay madaxweyne Qoorqoor wuxuu kulamo la qaadan doonaa laamaha kala duwan ee bulshada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








