Dhoobley (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Safar shaqo ku tagay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe waxaa safarka weheliya Xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu Dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Axmed Madoobe inta uu ku sugan yahay magaalada Dhoobley uu la kulmi doonaa Sarakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






