Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.
Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta.
Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.
Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonaan taageerada dhanwalba leh ee ay ka taageerto Puntland.
Puntland ayaa waxaa Khilaaf xoogan uu kala dhaxeeya dowladda Federalka Soomaaliya, iyadoo dhawaan deeganada Puntland lagu qaban doono shir ku aadan wadatashiga Puntland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com











