Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Muxuu ka yiri Yuusuf Garaad magacaabistii madaxweyne Qoorqoor uu sameeyay?

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Kaddib markii Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Yuusuf Garaad.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada ayuu ku sheegay Yuusuf Garaad inuu aqbalay qabashada shaqadaasi, isaga oo sabab uga dhigay inuusan aheyn shaqsi isla wayn.

“Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga.Madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug.”Ayuu yiri Yuusuf Garaad.

“Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug.”

Yuusuf Garaad ayaa Xukuumadda hadda jirta waxa uu ka soo noqday Wasiirkii Arrimaha dibadda Somaliya, waxa ay markaasi Golaha Wasiirada ka wada tirsanaayeen Madaxweynaha Galmudug oo xilligaas wasiir Xukuumadda ka tirsanaa ahaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...