Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan oo maanta isku day dil ka badbaaday

Khartoum (Halqaran.com) – Ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk ayaa Isniintii maanta ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarijiyo, kaddib markii qarax lala beegsaday baabuurkii uu saarnaa xilli uu marayay bartamaha magaalada Khartoum.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa lala eegtay ra’iisul wasaaraha iyada oo ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ay xireen goobta iyaga oo wada baaritaan.

Marwada u dhaxday ra’iisul wasaare Xamduuk ayaa sheegtay in ra’iisul wasaaraha aanu wax dhib ah soo gaarin waxayna tiri “Haddii uu Xamduuk geeriyoodo waxaa nool kun Xamduuk”.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday laba gaari oo midkood uu saarnaa ra’iisul wasaare Xamduuk.

Talefishinka Suudaan ayaa sheegay in weerarkaasi aanay cidi wax ku noqon sidoo kalena ra’iisul wasaaraha loo galbiyay meel nabdo

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...