Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe oo Isbitaalka Erdogan ku booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Maxaas

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa Isbitaalka Erdogan ee Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ay Al-shabaab shalay ka geysatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Mr Guudlaawe oo u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dultagay ciidankii iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkii Al-shabaab, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan.

Wuxuu xusay Madaxweynaha Hirshabeelle in dagaalladii lala galay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab looga adkaay, iyagoo laga xorreeyay deegaanno degmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhammaan dadkii ku shahiiday qaraxii degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ururuka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo in ka badan 15 ruux oo shacab iyo askar isugu jirta ay ku dhinteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com