Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabeelle Guudlaawe oo Isbitaalka Erdogan ku booqday Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii Maxaas

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Mahad Xasan Cusmaan iyo qaar kamid ah Wasiiradiisa ayaa Isbitaalka Erdogan ee Muqdisho ku booqday dadkii ku waxyeeloobay qarixii ay Al-shabaab shalay ka geysatay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Mr Guudlaawe oo u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah ayaa mid mid u dultagay ciidankii iyo Shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaareen Weerarkii Al-shabaab, isagoo warbixinno ku saabsan xaaladooda caafimaad ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka Erdogan.

Wuxuu xusay Madaxweynaha Hirshabeelle in dagaalladii lala galay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab looga adkaay, iyagoo laga xorreeyay deegaanno degmooyin ka tirsan Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhammaan dadkii ku shahiiday qaraxii degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ururuka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxyadii ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo in ka badan 15 ruux oo shacab iyo askar isugu jirta ay ku dhinteen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...