Sunday, November 9, 2025
28.2 C
Mogadishu

Iran oo ka carootay Sawirro Kartoon ah oo lagu Aflagaadeeyay Hoggaamiyaha dalkaas Ayatullaahi

Tehran (Halqaran.colm) – Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamka Iran, Naasir Kancaani ayaa waxa uu sheegay inay u yeereen Danjiraha dalka Faransiiska u jooga Tehran, Ambassador Nicolas Roche.

Kadib, markii Magazine ama Wargeyska Charlie Hebdo ee ka soo baxa magaalada Paris uu daabacay Sawiro Gacmeed (Cartoons) oo lagu aflagaadeeyey Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatullahi Ali Khamanei iyo waxa loogu yeeray Dhaqamada Diinta ee dalkaasi.

U yeerista Danjiraha Faransiiska ayaa waxaa loogu gudbiyey Ashtako xooggan oo ka dhan ah Sawiradaasi iyo inaan loo dulqaadan karin ficiladaasi oo kale.

Afhayeen Naasir Kancaani ayaa waxa uu tilmaamay inaysan marnaba oggolaan doonin Aflagaado kasta oo loo geystay Islaamka iyo Qarankooda iyo Qayimka Diinta.

Waxay aheyd dhawaan, Maamulka Majalada Charlie Hebdo ayaa waxay sheegeen inay soo daabaci doonaan Sawiro ka dhan ah Hoggaamiyaha Sare ee Iran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...