Galmudug (Halqaran.com) – Munaasabad ka dhacday Madaxtooyada Galmudug ayaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Maxamed Axmed Kaariye (Qoorqoor) waxa uu ku saxiixay shuruuc muhiim ah oo kala ah.
Shariga Maareynta Deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga Dhismaha Booliska iyo Sharciga Dowalaha Hoose.
Sidoo kale, shuruucdan ayaa waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha Barlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, Xubno ka tirsan labadda Gole, Garsoorka, La- taliyeyaal iyo Hawlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada.
Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor wuxuu Golaha Barlamaanka iyo Wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






