Monday, June 15, 2026
25.8 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hay’adahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...