Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo dib ugu soo laabtay Dalka ayaa la shiray qaar kamid ah Guddiga Farsamada ee Ka Baaraan degida Hannaanka iyo Habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.
Xubnaha Guddiga iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha la xiriira ka baaraan degida doorashooyinka dalka iyo qabsoomida shirka Magaalada Dhuusamareeb.
Xubnaha Guddiga Farsmada ee ka baaraandiga Arrimaha doorashooyinka ee uu Maanta la kulmay Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka maqan Xubnaha ka socda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
Maalmo kooban ayaa inaga xigo inuu furmo Shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ay isugu tagayaan Guddiyada farsamada ee doorashooyinka dowlad Goboledyada iyo dowladda Soomaaliya, si looga tashado arrimaha doorashooyinka ee dalka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








