Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laga helay Cudurka Coronavirus ayaa la xaqiijiyay in baaritaan lagu sameeyay, kaddib laga waayay Cudurkaasi isla markaana uu ka soo bogsooday.
Cabdikriin Cali Kaar oo ah Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya oo ka qeyb galayay Barnaamij ka baxayay tv-ga Somali Cable ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya uu Madaxweynaha la hadli doono Shacabka, isla markaana Shaqadiisa uu si caadi ah u wadan doono.
Warkaan ka soo baxay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Kariin Cali Kaar ayaa rajo weyn gelinaya walwalkii Shacabka ay ka qabeen xanuunka Madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo dadka siyaabo kala duwan ay uga hadlayeen.
Waxay aheyd dhawaan markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarka u aaday dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in qaar kamid ah wafdigiisa laga helay Coronavirus, balse markii uu dalka ku soo laabtay ay Madaxtooyada sheegtay in Madaxweynaha baaritaan lagu sameeyay laga helay COVID-19.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





