Jenin (Halqaran.com) – Ciidamada Israa’iil oo Arbacada maanta ah weerar ku qaaday magaalada Jeniin ayay waxay ku toogeen muwaadinin Falastiini ah oo halkaasi ku sugnaa.
Agaasimaha Isbitaalka Khaliil Suleymaan ee magaalada Jeniin, Issaam Bakar, ayaa sheegay in wiil dhalilnyaro ah uu u dhintay Rasaas ay ku fureen ciidamada Yahuudda, intii uu socday iska horimaad subixii Arbacada maanta ah oo ka dhacay waqooyga magaaladaas.
Dad goob joogayaal ah ayaa sidoo kale u sheegay wakaalada wararka ee Anadol, in Ciidamada Israa’iil ay gudaha u galeen magaalada Jeniin, iyaga oo gudaha u galay dhowr Guri oo ay degenaayeen dad Falastiiniyiin ah, taasi oo keentay inuu halkaasi ka qarxo iska horimaad ay la galeen tobanaan dhalinyaro Falastiiniyiin ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com