Muqdisho(Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan wufuud kala duwan ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah dhismaheedu marayo.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa kaloo ku wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda ee Haatan Shaqeeysa, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka xoogga dhulka, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir, iyo Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda.
Sido kale Xarumaha uu maanta kormeeray Ra’iisul Wasaaraha Cusub Xamse Cabdi Barre ayaa horay xarigga kaga jaray, waxaana dhawaan si toos ah ugu howgali doona xafiisyada Wasaaradaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Xamse Cabdi Barre ayaa Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabay 15 Juun 2022-ka, waxaana lagu wadaa in uu xilka la wareegay saacadaha soo socda, si uu usoo dhiso Xukuumadda cusub.



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





