Muqdisho(Halqaran.com) –Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Hiliwaa kaddib markii ay kordheen kooxaha dhaca u geysta Dadka Shacabka ah.
Degmooyinkan ayaa ah kuwa ugu badan ee dhaca laga geysta xiliyada habeenkii ah oo kooxo wata Tooreeyo ay shacabka ku dhacaan.
Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada qeybta Bari iyo Maamulada degmooyinka ayaa Ciidamadu sameeynayeen baaritaano Guri guri ah, iyaga oo kusoo qabtay Mandooriyaal, Rasaas iyo shaqsiyaad Amni daro lagu eedeyay.
Taliyaha Booliiska qaybta Bari, Gaashaanle Cali Calosoow Xasan (Goof-jooge) ayaa warbaahinta u sheegay in howlgallada ay sii soconayaan illaa inta gacan adag ay ku qabanayaan kooxaha dhaca geysta ee cabashadoodu badatay.
“Howgal wadajir ah ayaa laga sameeyay qaybta Bari ee Gobolka Banaadir waxaana lagu soo qabtay Xashiis, Calaq, Cirbado la isku durayay ee daraagiska ah & Ciyaar weeraro, Bulshada waxa aan leenahay kasoo jawaaba waxyaabaha caqabadda idinku ah, Amni darrada guriga ayay kasoo billaabataa, howlgalkana mid joogto ah ayuu noqonayaa” Gaashaanle Cali Calasow Xasan.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca guddoomiyeyaasha ayaa dhankiisa ugu baaqay Waalidiinta Carruurta Ciyaal weerada ah iyo kuwa dhaca u geysta Shacabka inay ceshadaan hadii kale tallaabo laga qaadi doono.
Ugu dambeyntii Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, si looga hortego kooxaha dhaca iyo dilalka ka geysta caasimadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com