Muqdisho(Halqaran.com) –Xildhibaanada Holaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan muhiim ah oo ku saabsan Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda dowladda ee 2022 ka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Sii dhaceysa Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hor tagay Baarlamaanka Golaha Shacabka, iyadoo Su’aalo laga weydiiyay arrimaha ku aaddan Miisaaniyadda Dowladda.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Beenebeene ayaa Wasiirka weeydiiyay xisaab xirka laga rabay Wasiirka ee miisaaniyadda laga soo bilaabi sanadkii 2018-kii ilaa 2021, wuxuuna Wasiirka ku jawaabay.
” Xisaab xeradii wey yaalaan waxaana haysta baarlamaankii 10aad oo meel mariyay, waxaana diyaar u yihiin in markale golaha horkeenaan oo shaqadoda ka gutaan hadii loobaahdo oo laba isbuuc lasiiyo.
Wasiir Beyle ayaa sheegay in aysan jirin xisaab-xir ku maqan wasaaradda Maaliyadda, isagoona ku eedeeyay Baarlamaankii hore in aysan sameeynin xisaab xir.
”Aduunyada oo dhan baa ku oraneysa Tuug Tuug dhalay hadii aysan dowladaada xisaab xir sameynin” ayuu yiri Cabdiraxman Ducaale Beyle oo ka kahor hadlaayay Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda ku celisay in uu soo bandhigo cidda u ansixisay miisaaniyadda 2018, 2019, 2020, 2021, hayeeshee uusan ka jawaabin.
Xildhibaanada ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo kale oo muhiim ah, oo ku aaddan arrinta Maaliyadda iyo sida ay Wasaaraddiisu u maaraysay, intii uu xafiiska fadhiyay, waxaana Wasiirka ka jawaabay su’aalaha qaar, kuwaasi oo ahaa kuwo xasaasi ah oo ay xildhibaanada weydiiyeen .
Sido kale Kulankaan maanta oo diiradda lagu saarayo Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda ayaa horay Xildhibaanada loogu wargaliyay in ay soo xaadiraan, waxaana haatan xarunta ku sugan dhammaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





