Tuesday, April 21, 2026
29.6 C
Mogadishu

Mareykanka oo baaraya Maydadka ku dhawaad 46 ruux oo Tahriibayaal ah.

San Antonio(Halqaran.com) –Ugu yaraan 46 qof oo la rumeysan yahay in ay yihiin dad muhaajiriin ah ayaa meydkooda laga dhex helay gaar ah nooca xamuulka qaada duleedka magaalada San Antonio, ee gobolka Texas ee dalka Mareykanka.

Sargaal ka tirsan shaqaalaha dab damiska ayaa sheegay in 16 qof oo kale oo ay ku jiraan 4 caruur ah ayaa sidoo kale isbtaalka loola cararay.

Hay’adaha ammaanka ayaa tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Dad ka badbaaday dhacdadaan oo u sheegay in gaariga ay la socdeen oo kululaa neefta ku dhejisay qaar kamid ah Dadka dhintay maadaama albaabada loo laabay kunteenarka ay la socdeen.

Jirkooda waxaa ka muuqda daal, waxaana la geeyay goob gaar ah oo Ciidamada Booliisku ugu talagaleen in lagu hayo Dadka Tahriibka sharci darrada ah ku galaya si looga hortago qulqulka Dadka ee xargo goostay todobaadyadii u dambeeyay.

Magaalada San Antonio ee gobolka  Texas, , ayaa ah marin weyn oo ay maraan dadka wax tahriibiya,waxayna xadka Mexico u jirtaa 250km .

Dadka wax tahriibiya ayaa inta badan adeegsada gawaarida xamuulka qaada si ay u daabulaan muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ka dib markii ay kula kulmaan meelo fog fog

William McManus, Taliyaha Booliiska Magaalada San Antonio ayaa sheegay in baaritaanka hadda lagu wareejiyay wakiilo ka socda Dowladda dhexe oo wixii go’aan iyo natiijo ah laga sugayo halka ay xireen saddex balse faah-faahin kama bixin waxa ay yihiin.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...