Wednesday, January 21, 2026
25.1 C
Mogadishu

MW Saciid Deni oo kulan Gaar ah la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Puntland.

Garoowe(Halqaran.com) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Taliska Ciidanka Booliska ee maamulkaasi

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan, Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Cali Xaashi, Taliye-xigeennada iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidanka Booliska.

Madaxweynaha ayaa warbixin Amni iyo shaqada Booliska ee socota ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyay sida Ciidanka geesiyaasha ah ay har iyo habeenba ugu heelan yihiin sugida Amniga, isagoo faray in ay sii dardar geliyaan gudashada waajibaadkooda.

Taliyaha Ciidanka Booliiska DG Puntland Gen. Maxamed Cali Xaashi ayaa Ciidamada amray in ay fuliyaan amarka Madaxweyne Siciid Deni isla markaana xoogga ay saaraan laba-laabka howlgallada amniga ku xoojinayaan.

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska Puntland ayaa kamid ahaa Madaxdii shalay hortagtay Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ee lagu weeydiiyay su’aalo la xiriiray xaaladda Amni ee degaannada Puntland.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...