Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah uga shaqo bilaabay Xafiiskiisa

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Arbacada maanta ah si rasmi uga shaqo billaabay Xafiiskiisa, ayaa kulamo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha Xukuumadda Federaalka.

Mr Xamse ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulamada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, isagoo ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com