Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxda Puntland & Jubbaland oo soo gudbiyay xubnaha ku matalaya gudiga doorashooyinka

Garoowe (Halqaran.com) – Maamul goboleedyada Puntland, iyo Jubbaland ayaa si rasmi ah u soo gudbiyay liiska Afar xubnood oo Puntland ku matalaya Xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, kaas oo amba qaadaya howlaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inuu gudbiyay Afartaasi xubnood, kuwaas oo Magacyadooda lagu kala sheegay,  Axmed Cabdi Hurre, Qawdhan Abshir Garaad, Cabdiraxmaan Biixi iyo Sadam Siciid Axmed.

Sidoo kale, Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gudbiyay laba xubnood oo ka tirsanaa Guddigiisii doorashooyinka ee maareeyey doorashadii muranka sababtay ee dib loogu doortay.

Warar ay helayso warbaahinta Halqaran.com ayaa sheegaya, in illaa iyo hadda ay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya ay gudbiyeen dowlad Goboleedyada kala ah, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Puntland, sidoo kalena maanta la sugayo inay dhankooda soo gudbiyaan Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Heshiiskii Madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa ku ekaa 20-kii bishaan Oktoobar muddadii la qabtay, in lagu soo magacaabo guddiyada doorashooyinka iyo xallinta khilaafkaadka, balse dib uu dib u dhac ku yimid.

Ugu dambeyn, waxaa filayaa dhawaan in si rasmi ah loogu dhawaaqo guddiyadaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...