Muqdisho (Halqaran.com) – Weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow ayaa Khamiista maanta ah la sii daayay, kaddib 4 maalin oo uu ku xirnaa Xabsiga Godka Jilacow ee Nabad Sugidda Soomaaliya.
Wariye Caddow oo ka tirsan Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa lagu guuleystay in laga sii daayo Xabsigaas, kaddib markii Afar cisho ka hor xilli habeen ah lagala soo baxay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.
Sababta loo xiray weriyaha ayaa waxa ay aheyd inuu Wareysi ka qaaday Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo si cad u taageeray dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan Ciidamada AMISOM.
Daddaallo kala duwan oo ay sameeyeen Bahda Saxaafadda ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in Saxafi Cabdullaahi Kulmiye Caddow maanta uu dib u helo xorriyadiisa, islamarkaana banaanka u soo baxo.
Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ayaa ku kacda falal tacadi joogto ah oo sharciga ka baxsan, kuwaasi oo loo gaysto muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ma ahan markii ugu horreysay weriye Cabdullaahi Kulmiye Caddow loo xiro sababo la xiriira xirfadiisa saxafinnimo, isagoona muddo dheer ku soo dhex jiray Saxaafadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





