Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

Madasha Badbaado Qaran oo shaacisay inay gacmaha ka laaban doonin muddo kororsi

Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Badbaado Qaran oo ay ku mideysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay arrinta muddo kordhinta ee laga shaki qabo inuu ku dhaqaaqo Golaha Shacabka.

Qoraal kasoo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa siweyn looga hor jeestay qorshaha xildhibaanada Golaha Shacabka ku doonayaan inay muddo kordhin ugu sameeyaan Hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo.

Madasha ayaa sheegtay in muddo xileedka Baarlamaanka federaalka uu dhammaaday 29-kii Disembar 2020, halka Farmaajana uu ku  ekaa 8-dii Febraayo, isla markaana uusan jirin go’aan ama sharci ka sareeyn kara Dastuurka u yaalla dalka.

Sidoo kale Madasha ayaa muddo kordhinta ku tilmaamtay inay tahay marin dhidibada loogu aasayo kali talisnimo, laguna carqaladeynayo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay, laguna wiiqayo dadaalada socda.

Madasha Badbaado Qaran ayaa caddeysay  in aysan marnaba aqbali doonin muddo kororsi, isla markaana aysan gacmaha ka laaban doonin arrintaas oo ay sheegeen in lagu carqaladeynayo doorashada, laguna qal-qal gelinayo xasiloonida dalka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...