Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay iyo 15 Xildhibaan oo ka maqan

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo Maanta siweyn Isha lagu wada haayo.

Ajenadaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, u codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen ayaa kulankaan shir guddoominaya, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 139.

Kulanka ayaa waxaa ka maqan 15 Xildhibaan oo horey Guddoomiye Maxamed Mursal uu ka  joojiyay ka qeyb galka kulamada Baarlamaanka, kaddib markii Xildhibaanada ay sameeyeen fowdo iyo buuq kulankii sabtida.

Xildhibaanada laga mamnuucay kulamada Baarlamaanka ayaa sheegay inay siweyn uga soo horjeedaan qorshaha Guddoonka ku doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...