Tuesday, November 24, 2026
29.6 C
Mogadishu

Golaha shacabka oo maanta yeelanaya kulan shaki badan uu ka taagan yahay

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa la filayaa in kulan ay ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Cudurka halista ah ee COVID-19, u codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya Guddiga Madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo u codeynta sharciga Qaxootiga Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonaayo inay kasoo qeyb galaan kulanka, si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaala Golaha.

Kulankan ayaa waxaa uu yahay mid si weyn isha loogu haayo, maadaama laga shaki qabo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay hay’addaha dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo u sameeyaan muddo kordhin.

15-kii Xildhibaan ee laga mamnuucay fadhiyada Baarlamanka ayaa shaaciyay in Maanta ay tegi doonaan xarunta Golaha, isla markaana ay ka qeyb galayaan kulanka, wixii ka dhashana oo Mas’uuliyad darro ah uu qaadan doono Guddoomiye Maxamed Mursal.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ku saareysa in uusan ku dhaqaaqin Go’aanka muddo kordhinta loogu sameynayo hay’addaha dowladda iyo Farmaajo, waxaana kulankan lagu balansan yahay Maanta uu horey u baaqday Isniintii lasoo dhaafay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...