Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Maamulka Galmudug oo la wareegay ciidamo iyo Gaadiid dagaal +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasaaradda Amniga gudaha Maamulka Galmudug ayaa Jimcaha maanta la wareegtey gadiid dagaal iyo Ciidankii saarnaa oo diyaar u ah sida ay sheegtay Wasaaradda in la xareeyo ayna ka mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Munaasabad ay goobjoog ka ahaayeen Odoyaal dhaqameedka ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkaas ayaa si rasmi loogu wareejiyey gaadiid gaaraya 5 gaari oo qoryaha dagaalku ay saaran yihiin iyo Ciidankii saarnaa oo gaaraya 83 askari.

Wasiirka Amniga oo goobta ka hadlay ayaa ka mahadceliyey is-xilqaanka odoyaasha dhaqanka iyo taageerada ay u muujiyeen dawlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale, waxaa uu adkeeyey in Ciidaamadaan iyo gaadiidkoodaba ay mas’uuliyadiisa la wareegtey wasaaradda Amniga Gudaha, ayadoo lagu xarayn doono Dugsiga tababarka indha qaris.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...