Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Fanaankii caanka ahaa Cabdi Tahliil Warsame oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaankii weynaa Cabdi Tahliil Warsame oo sanadihii dambe ku xanuunsanaayay Caasimadda.

Geerida Fanaan Cabdi Tahliil Warsame ayaa waxaa xaqiijiyay qaar ka mid ah qoyskiisa, waxaana ay sheegeen markii horeba fanaanka xaaladiisa inay iska liidatay.

Sanadihii la soo dhaafay Fanaanka wuxuu ahaa mid aad u liitay oo xanuunka haayay sariir uu la jiifay , waxaana caawimaad kala duwan dhowr mar u uruuriyay qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliyed.

Marxuum Cabdi Tahliil Warsame oo taariikh fog ku leh fanka Soomaalida ayaa wuxuu waayay daryeelkii uu ka mudnaa Dowladda Somaliya & shacabkeeda, waxaana ugu dambeyn oofsaday Alle.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...