Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Kalfadhigii ugu dambeeyay ee muddo Xileedka BF Somaliya oo maanta furmaya & Warbaahinta…

Muqdisho (Halqaran.com) –  Waxaa Sabti maanta ah lagu wadaa in uu furmo Kalfadhigii ugu dambeeyay ee muddo xileedka xildhibaanada Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya .

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu furo munaasabadda lagu daah furayo Kalfadhiga ugu dambeeya ee muddo xileedka golayaasha sharci dejinta halkaas oo khudbad uu ka jeedinayo madaxweynaha.

Qaban qaabada furitaanka Kalfadhigaan ayaa waxa ay ka socotaa Xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyadda Soomsaliya, halkaasi oo lagu wado in Madaxweynaha uu ka furo kalfadhiga.

Furitaanka Kalfadhigaan, ayaa waxaa lagu casuumay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboledyada dalka ka jira, kuwaasi oo xaadir noqon doona furitaanka.

Khudbada Madaxweynaha uu ka hor jeedin doono Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si wayn isha loogu haayo, waxaana la sugayaa in Madaxweynaha uu ka hadlo arrimaha doorashada oo uusan wali si toos ah uga hadlin.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa loo diiday inay soo tabiyaan wararka la xiriira Kalfadhigaan ama ay goobjoog ahaadaan, taasi oo muujinaysa Villa Soomaaliya inay qabto cabsi la xiriirta in Warbaahinta ay soo bandhigto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Kalfadhigaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...