Saturday, April 18, 2026
29.9 C
Mogadishu

Senator Dufle: ”Ma jirto wax la isla go’aamiyay oo 4.5 lagu kala qeybsado gobolka Banaadir”!

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalmihii dambe soo ifbaxayay dood ka dhalatay soo jeedin aheyd in Gobolka Banaadir la siiyo todobo xubnood oo ay ku yeelan doonaan Aqalka sare ee dalka, islamarkaana lagu qaybsan doono todobadaasi xubnood 4.5 ayaa arrintaasi waxaa si adag uga hadlay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle.

Senator Dufle ayaa ka mid Guddiga Isku dhafka ee Arrimaha Doorashooyinka, waxaana muddooyinkii dambe uu ka qayb galaayay kulamada looga hadlaayay arrimaha Gobolka Banaadir ee ay guddiga yeesheen.

Wuxuu Dr. Dufle sheegay in uusan jirin go’aan mideysan oo arrimaha gobolka Banaadir ay ka soo saareen xubnaha guddiga, balse 7 xubnood ay tahay arrin soo jeedin ah, go‘aankana ay leeyihiin Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

“Xubnaha guddigu waxay isla sheegeen, in todoba xubnood la siiyo magaalada Muqdisho, waxayna aheyd arrin soo jeedin ah, laakiin meeshaan waxaan rabaa in aan ka cadeeyo, in aysan jirin wax aan isla go’aaminay ama aan soo saxiixnay oo ah ‘4.5 halagu qeybsado’ ma jirto arrintaas haba yaraatee” ayuu yiri Dr. Dufle.

Beelaha deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa si wayn uga carooday in 4.5 lagu qaybsado 7 xubnood oo la sheegay in lagu kordhin doono Aqalka sare, waxaana Mataladaasi heli doona Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Aqalka Sare ayaan hadda wax matalaad ah ku laheyn Gobolka Banaadir, balse lama oga go‘aanka Baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaadan doonaan arrintaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...