Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maalqabeenka Elon Musk oo qasaaray 27 bilyan oo doolar toddobaad gudihiis!

USA (Halqaran.com) – Elon Musk oo ah ganacsadaha iska leh shirkadda gawaarida korontada ku shaqeyso soo saarta ee Tesla iyo shirkadda SpaceX oo farsameysa dayax gacmeedyada, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu qasaaray toddobaad gudihiis lacag lagu qiyaasay 27 bilyan oo doolar.

Ganacsadahaan ayaa booska ugu sarreeya ee taajirnimada caalamka ka saaray milkiilaha suuqa Online-ka ee Amazon  Jeff Bezos horraantii sanadkan, balse qasaarada soo gaartay ayaa waxa ay ka dhigeysaa in uu galo kaalinta 2aad ee taajirnimada caalamka.

Hoos u dhaca hantidiisa ayaa soo afjartay ku dhowaad lix toddobaad oo uu ahaa shaqsiga ugu qanisan caalamka. Qasaaraha hantidiisa ayaa waxaa sababay ka dib markii hoos udhac weyn uu ku yimid shirkadiisa baabuurta.

Elon Musk ayaa hantidiisa lagu sheegay in ay gaareyso 157 bilyan oo doolar, halka Jeff Bezos lagu sheegay hantidiisa 177 bilyan oo doolar.

 

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...