Muqdisho (Halqaran.com) – Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya kana mid ah Midowga Musharraxiinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku baaqay in la siiwado wada-hadallada Midowga Musharraxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Waxaa uu si cad u sheegay musharax Daahir Geelle in aan fagaaro lagu xalin karin, hayeeshee ay muhiim tahay in Miis lagu xaliyo si looga gudbo arrimaha murugsan ee taagan.
“Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharraxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro‘‘ ayuu yiri Musharax Daahir Geelle.
Midowga Musharixiinta iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan yeeshay kulamo kala duwan, walow kulankii ugu dambeeyay uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





