Tuesday, March 17, 2026
27.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo shacabka Muqdisho ku sheegay ‘inay Afduuban yihiin‘.

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeedinayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka jirto dowlad la’aan, kadib markii uu dhammaaday waqtigii dowladdii hore.

Mr Biixi ayaa ku tilmaamay shacabka ku nool caasimadda Muqdisho, kuwo ku hoos nool Afduub, maadaama madaxweynaha uu dhammaaday muddo xileedkiisa uu xilka isku dhejiyay.

Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi ayaa tilmaamay in wax la yaab leh tahay in dal aan uu noqdo dowlad la’aan oo ka jiro maamul aan heysan sharciyad.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka magaalada Muqdisho ku tilmaamay in ay afduuban yihiin.

“Shacbiga Muqdisho iyagaaba afduuban, dadka talada u hayaana waxay qaadaan tallaabooyin cadaawad ah oo dadka kala fogeynaya. Maanta Muqdisho dawladdii hore waqtigeedii wuu dhammaaday dawlad cusubna lama dooran sharciguna uma kordhin haddana wuu fadhiyaa waana maamulayaa”, ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in la sii adkeyn doono sharciga lagu qaadayo mas’uuliyiin ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dawladda Soomaaliya, kadib marka ay cafis soo dalbadaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...